Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Ayaa Kulan Hawleed Kaga Qayb Galay Hotel Maan Soor Ee Magaalada Hargeysa

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Ayaa Kulan Hawleed Kaga Qayb Galay Hotel Maan Soor Ee Magaalada Hargeysa

 

 

 

Hargeisa (Wasarada Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga, Warshadaha  iyo Dalxiiska (Mudane Cismaan Xuseen Warsame), ayaa kulan hawleed  kaga  Qayb galay hotel maan soor  ee magaalada hargeysa  kulankaas oo lagu soo  Afmeerayey Siyaasada Lagu Hagi Doono Noocyada Kala Duwan ee loo ya qaano (MSME POLICY) waxaa kale oo kualan kaas kasoo qayb galay gudoomiyaha rugta ganacsiga JSL, daneeyayaasha qaybaha kala duwan ee bulshada iyo haayadda HANVARD oo iska lahayd qaban qaabada kulankaas, Waxana ugu horayn halkaas hadalka soo jeediyey gudoomiyha rugta ganacsiga waxaana uu ku dheeraaday muhiimada ay siyaasadani  u leeyhay ganacsatada  noocyadooda kala duwan ee loo yaqaano MSME( Micro Small Medium Entreprases) Waxaa sidookale halkaas ka hadlay agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada GW&D mudane barkhad  xasan abiib  isagoo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay hisgelinta siyaasadani sheegay inay ku jirto wejigii ugu dambeeyey dhowaana loo gudbin dooono golaha wasiirada jsl, intaas ka dib waxaa isugana hadalka qaatay agaasimaha guud  ee WGW&D oo  sheegay inay ka wasaarad ahaan waqti badan geliyeen hir gelinta siyaasadan isagoona xusay muhiimada ay u leedahay ganacsatada noocyadooda kala duwan maadaama aanay hore u jirin siyaad cad oo kala xadanaysa noocyada kala duwan ee ganacsiga isla markaana hada wixii ka dambeeya la heli doono siyaasad cad oo lagu kala hagi doono gnacsiga iminkana  ay marayso marxaladii ugu dambaysay si loogu gud biyo golaha wasiirada, Ugu dambayn tiina waxaa shirkaasi soo xidhay agaasimaha guud ee WGW&D isagoo gabagabadii halkaas uga mahad celiyey cidii kala shaqaysay hirgelinta siyaasadan.

No Comments

Give a Reply