Wasiirka wasaasaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska ayaa kulan la qaatay ganacsatada waaweyn ee dalka

Wasiirka wasaasaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska ayaa kulan la qaatay ganacsatada waaweyn ee dalka

(Hargeisa) 27, 5,2018 Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Mune Maxamud Xasan Sacad Saajin ayaa kulan iskugu yeedhay ganacsatada waaweyn ee dalka kulan kaas oo ka qab soomay xarunta dhexe ee Wasaaradda,  ujeedadiisuna  daaranayd sidii ay ganacsatadu uga qayb qaadan lahayeen horuumarinta goobaha dalxiiska  dalka isla markaana loogu horumarin lahaa, si loo helo goobo dalxiis oo soo jiidan kara dalxiisayaal badan oo dunida dacaladeeda ka yimaada taasina ay abuuri doonto fursad dhaqaale oo weyn.

Waxaana wasiirku u sharaxay xubnaha ganacsada ee kulan ka kasoo qayb galay sida baahi loogu qabo in ganacsatadu ay gacan mug leh ka geystaan horuumarinta iyo dayac tirka goobahaasi maadama hantida wasaaradu ay tahay ganacsatada oo ay iyaga u adeegto iyagana looga baahan yahay inay  qayb  ka qaataan hawlaha lagu horumarinayo waddan ka si loo gaadho hadaf-yada uu qaran ku higsanaayo.

Waxaa isaguna si qoto dheer ugu dheeraday muhiimada kulan kan agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cismaan Xuseen Warsame, oo isaguna kulan ka ku wehelinayey wasiirka isagoo sheegay in loo bahaanyahay in layska kaashado hawlaha noocan oo kale ah maadama oo ay aanay  ka dowlad ahaan awoodin waqti xaadirkan inay dowladu daboosho baahiyaha ka jira goobahaasi sababo dhaqaale dartood sidaasi darteed na ay ugu yedheen ganacsada inay gacan ka geystaan horuumarinta goobahasi oo  muhiimada weyn u leh qaran ka horuumarin toodu.

Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay xubno ka mida ganacsadii kulan kasoo qayb gashay iyagoona sheegay inay wasaaradda kala shaqayn doonaan inta karaan kooda ah, waxaana ay xuseen inay muhiim tahay in wasaaraddu war bixin ta goobahisi oo qoraal ah ay u soo gud biso iyadoo wasaaradduna dhan keeda  ka balan qaday. Gabagabadiina waxaa laysku af gartay in laga wada shaqeeyo hawlahaas kulamo danbena lays kugu yimaado.

No Comments

Give a Reply